Laga soo bilaabo wakhtigii islaamku soo bilaabmay ee xabiibkeena (NNKH) risaalada lagu soo dajiyey ilaa maanta oo aan joogno sanadka 1445 ee taariikhda islaamka waxaa jira laba quwadood ama laba umadood oo ku tartama hogaaminta islaamka, labadaasi umadood mid kasta waxaa kasoo jeeda rag diinta islaamka faafiyey oo gaalada dabada dhulka ugu jiiday, labada umadood waxaa kasoo kala jeeda ragii islaamka beri iyo galbeed kufaafiyey, cumar binu khadaab, khaalid binu waliid, cumar binu cabdulcasiis, haaruun alrashiid iyo halyeeyo diinta islaamka meel gaadhsiiyey waa isku ummad, albi arsalaan,maxamed faatix, cusmaan qaasi,sulaymaan alqaanuuni,cabdulxamiidka labaad iyo halyeeyo diinta islaamka aduunka gaadhsiiyeyna waa isku ummad.
imika waad fahantay laba ummaood ee aan kuusheegayo, waxaa jira ummado badan oo diinta islaamka faafiyey oo ummadeena soomaaliyeed iyo muslimiinta geeska afrika kunooliba way faafiyeen diinta islaamka, ummad kasta oo islaam ahi way faafisay diinta islaamka laakiin labadan umadood carabta iyo turkidu waa laba ummadood ee ugu sareeya ummada islaaamka dhinac walba,
labadan ummadood waa labada ummadood ee keliya ee muslimiinta khaliifa unoqday, hadii aynu ufiirsano taariikhda waxaan arkayna labadaa ummadood oo islaamka hogaaminaya,waxaana ka dhexeeya ficiltan soo jireen ah ilaa bilawgii islaamka yacni wakhtigii turkidu soo galeen islaamka.
CARABTA
BILAWGII ISLAAMKA
tan iyo wakhtigii islaamku soo bilawday ee xabiibkeena (NNKH) waxyigu kubilawday carabtu waxay ahayd ummada diinta islaamka caalamka gaadhsiisay ee xataa turkidan la ficiltamaysa soo gaadhsiisay, xabiibkeenu (NNKH) wuxuu ahaa carab, kadib xabiibkeena (NNKH) waxaa hogaankii islaamka qaaday oo aduunka gaadhsiiyey afartii khilaafo iyo asxaabtii ALLE dhamaantood raali haka ahaadeeDAWLADII UMMAWIYIINTA
dawladii ummawiyiinta waxay ahayd dawladii ugu horaysay ee islaamka ee lakala dhaxlo, dawladii umawiyiinta waxaa aasaasay saxaabigii mucaawiya binu abu sufyaan, waxayna ahayd dawlad diinta islaamka faafisay oo khaliifa u ahayd islaamka wakhtigay talinaysay.
DAWLADII CABAASIYADA
dawladii cabaasiyadu waxay ahayd dawladii ay muslimiintu cilmiga ka gaadheen heerkii ugu sareeyey, muslimiintu wakhtigaas waxay samaysan gaadheen nuclear laakiin hogaamiyihii muslimiinta ee haaruun akrashiid ayaa diiday, sababtoo ah nuclear ku wax buu baabiiyaa muslimiintuna caalamka way dhisayeen waxayna gaadhsiinayeen nuurka islaamka, dawladii cabaasiyadu waxay ahayd dawladii carab ah ee ugu danbaysay ee awood leh ee islaamka khaliifa unoqota.
TURKIDA
Turkidu waxay saaxada soo fuuleen oo ay noqdeen wakhtigii cusmaaniyiintu caalamka ka talin jireen oo ahayd dawladii ugu wakhtiga dheerayd dawladaha islaamka, waxay talinaysay 7 qarni, kadib markii uu caalamka ka dilaacay dagaalkii koowaad dawladii cusmaaniyiintu way dhamaatay oo gabi ahaanba waxay saaxada kabaxaday 1923kii oo ah shan sano kadib dagaalka aduunka.
wakhtigaa wixii kadanbeeeyey turkidu waxay noqdeen cilmaaniyiin oo dawladii cusbayd waxay diinta kala dagaalantay islaamka heer ay gaadhay in quraanka iyo eedaanka afturki lagu badalo.
CARABTA
kadib markii dawlada islaamku ay dhacday waala guumaystay ummada islaamka oo reer yurub ayaa kusoo duulay, laakiin ummada islaamku ismay dhiibin oo waxay galeen iska caabin ay guumaystaha iskaga caabinayaan, wakhti kadib muslimiintu reer yurub way ka guulaysteen oo dhulkoodii way ka saareen, dawladihii wakhtigaa dhashay waxaa islaamka hogaan unoqday carabta, ilaa qarnigan cusub markii lasoo gaadhay oo carabtu ay hoos udhacday.
sadaam xusein, boqor faysal, jamaal cabdinaasir waxay ahaayeen ragii hogaaminayey carabta qarnigii 20naad.
TURKIDA
qarnigan 21aad kadib markay carabtu hoos ay udhacday oo ninkii ugu danbeeyey ee sadaam xuseen ladilay oo ciraaqna la baabiiyey,waxaa dib usoo noqday turkidii oo uu hogaaminayo erdogan,turkidu imika waa ummada ugu dhaqdhaqaaqa badan caalamka markay qadyada islaamku ay timaado oo meel kasta geliya.
mudo 80 sano ahayd oo ay turkidu daciifeen ugu danbayn waxay dib usoo noqdeen qarnigan,wakhtigii dawlada cilmaaniyada ahi ay talinaysay waxay diinta islaamka kadhigtay wax laga tagay heer shacabkii diinta jeclaa ee hogaanka islaamka ahaa uu diintii naco oo qofkii diinta kudhaqma sida gabadh xijaaban ama nin salaad tukanaya oo uu sunihii xabiibkeenu (NNKH) ka muuqdo lagu odhan jiray dib udhac baa tahay, laakiin nasiib wanaaag wakhtigan imika lajoogo dawlada cusub ayaa saaxada kasaartay waxyaalihii diinta xumaynayey dadkiina dib ayey ujeclaadeen inkastooy weli jirto waxyaalo yaryar oo kusii hadhay.
0 Comments