11 sasno kadib waxaa wada kulmay laba oday ee beriga dhexe ugu awooda badan, maxay isku khilaafsanyihiin?!!
si aynnu u ogaano sirta khilaafka waa inaynu dib ugu noqno 2013kii,gugii carabta kadib waxaa masar kadhacday doorasho markii ugu horaysay taariikhdeeda waxaa madaxwayne loo doortay dr maxamed mursi, inyar markuu xilka hayey waxaa inqilaabay ciidanka masar oo uu taliye u ahaa c/fataax sisi madaxwaynaha ilaa imika masar xukunkeeda haya, madaxwaynihii xilka laga qaaaday waxaa lagu tuuray ilaa uu ka dhintay sanadkii 2019 isagooy maxkamadi kusocoto.
erdogan oo ay saaxiibo aad iskugu ahaayeen maxamed mursi ayaa yidhi mar ay saxaafadu waraysanysay inuuna la kulmi doonin sisi oo yahay nin dhiig faraha kuwata,
maxamed mursi waxa uu ka tirsanaa ikhwaanul muslimiin oo wadamada carabta qaarkood u arkaan urur argagixiso.
kadib 11 sano kadib waa maxay sababta ku kaliftay erdogan inuu la kulmo ninkii uu shalay ugu yeedhayey dhiigyacabka, markaad ufiirsatid xaalada imika caalamka kajirta waxaa kuu fududaanaysa inaad fahantid sababta ku kaliftay inuu erdogan sisi lakulmo weliba ay isku qaabilaan sidii rag aanay waxba soo dhexmarin.
markiiba waxaa kugu soodhacaysa inay arinta ugu horaysaa ay tahay gaza oo ay isreal xasuuqayso, erdogan waxa uu aad utaageeraa xamaas oo xamaas aduunka dhan waxay kajoogaan turkiga,qadar iyo lubnaan, mida kale xasuuqan ay isreal kuhayso qof walba oo muslim ah way khusaysaa waana waajib in aynnu difaacnaa reer gaza, erdogan tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay waa uu dhaleecayn jiray isagoo isku soo baxyo badan sameeyey, turkigu waxa uu ka midyahay wadamada gargaarka soo gaadhsiiyey gaza intii uu dagaalku kasocday.
marka la eego xaga masar waa wadanka keliya ee gaza iyo yahuuda xuduud la leh, madaxwaynaha masar waxaa lagu eedeeyaa inuu isagu hortaaganyahay dadka gaza inay xaga masar usoo gudbaan, laakiin xaqiiqadu sidaasi way ka duwantahay, masar haday u ogolaato inay xaga masar usoo gudbaan waxaa dhacaya inay yuhuudu lawareegto gaza,sidaa darteed masar waxay kasoo horjeedaa inay gacanteeda ku baabiiso falastiin, haday masar la dagaalanto yuhuda waxaa dhacaya inay dawladaha gaaladu yuhuda usoo gurmadaan masarna waxay ka baqaysaa inay burburto,mida kale masar lacag badan ayuu maraykanku ku bixiyaa sanad kasta sidaa darteed masar lacagtaa laga jarayaa, waa waxyaalo qofkii damiirka lihi kuqoslayo laakiin waa xaqiiqada jirta, mida kale waxaa la sheegaa in markii dagaalku bilaabmay inuu sisi soo xidhay dirayskii ciidanka uuna wadamada carabta usoo jeediyey inay dagaal ku qaadaan yuhuuda laakiin wadamada carabta ee lacagta haystaa mar rabaan inay dagaal galaan wayna diideen, masar iyo qadar waa labada wadan ee hooos kataageera xamaas, sidaa darteed labada nin si gaara ayey utaabanaysaa qadyadu.
waxaa jira waxyaalo kale oo labada oday kulmiyey, lacagta labada dal ayaa kujirta meel aad uxun oo hoos udhac wayn ayaa kuyimid, sidaa darteed labada oday waxaa qasab ku ah inay iska kaashadaan siay usoo celin lahaayeen qiimaha lacagtooda oo mar ahaan jiray lacagaha aduunka ugu qaalisan,
masar iyo turkigu waa labada wadan ee ugu awooda badan beriga ama wadamada islaamkaba laakiin masar waa wadan aan dhaqaale badan oo ay haysato dhibaatooyin oo dhaqaale turkiguna waa wadanka 16 ee ugu dhaqaale badan aduunka sidaa turkigu wuxuu maalgashi xoogan uu ku samaynayaa masar.
labada wadan maadaama oo ay leeyihiin labada ciidan ee beriga dhexe ugu awooda badan waxay kala faa"iidaysanayaan mid walba khibradiisa ugaarka ah tusaale ahaan turkigu wuxuu aad ugu horumaray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ah kuwa ugu horumarsan caalamka oo ay cid walba raadinayso,masarna waxyaalo badan ayey turkiga kaga horaysaa.
waxyaalo badan ayaa xiligan keenay inay wada kulmaaan labadii nin ee kala dhaartay inay wada kulmaan, ogawna siyaasadu waa maslaxad ee maahin wax kale.
0 Comments