Ticker

6/recent/ticker-posts

POLITICIANS HAVE NO PERMANENT FRIENDS/SIYAASADU SAAXIIB JOOGTO AH MALEH

Sisaayasadu saaxiib joogto ah malaha laakiin dano gaaray leedahay, marka aynnu caalamka siyaasada ufiiirsano waxa aynnu arkaynaa laba siyaasi ama laba wadan oo mar saaxiibo ahaa laakiin imika cadaw isku ah maxaa keenay??
hadii aynnu isku dayno jawaabta su'aasha waxaan ogaanaynaa inay sababtu tahay danaha laba dhinac ka dhexeeyey oo markii hore isku mid ahaa laakiin imika kala duwan, taasina hadaan tusaalayaal caalamka uga raadino kun tusaale laakiin aynnu soo qaadano tusaalayaasha ugu caansan uguna xiisaha badan.
sawirka markaad aragtayba waxaad iswaydiisay waakuwa labada oday ama labada wadan saaxiibo ah goormay cadaw isku isku noqdeen??? jawaabtu waa marka hore ku dabaq cinwaanka qoraalkeena kadibna iga hoo xaqiiqada, taariikhda marka aynnu ufiirsano oon weliba aad ugu fiirsano waxa aynnu ogaanaynaa in ruushka iyo turkigu cadawga ugu xun isku ahaayeen mararka qaarkoodna ay ahaayeen saaxiibada iskugu dhaw.
taariikhdii hore wakhtigii ay jireen boqortooyadu ruushka iyo turkigu waxay ahaayeen cadawga iskugu daran sababtoo ah waxay isku haysteen dhul badan oo ay midba midka kale dagaal ku qaadi jiray,berigaas turkiga waxaa ka talinayey cusmaaniyiinta, halka ay ruuushka ka talinayeen qaysariyadu. waxay dagaalamayeen mudo lagu qiyaaso afar qarni ama kabadan ruushku waxa uu xulafo la ahaa faransiiska iyo ingiriiska, turkiguna waxa uu xulafo la ahaa garmalka, xataa dagaaalkii koowaad sidaasi ayey kala ahaayeen ugu danbyantii waxaa laga gulaystay turkiga oo xulafadii ruushka ayaa guulaysatay. halkaas markay taariikhdu marayso waxaa turkiga ka dhalatay dawladii cilmaaniga ahayd, halka ruushka uu kadhashay la iskuumidawgii soofiyeedku halkaas waxaa ka dhalatay taariikh cusub oo mararka qaarkood cadaw la isku yahay marar qaarkoodna la isku yahay xulafo kuwa ugu dhaw. waxaa bilaabamy dagaalkii labaad ee aduunka ruushka iyo turkigu waa xulafo la dagaalamaysa hitler iyo xulafadiisii, markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunku cadawnimadii halkii ayey kasii bilaabantay.
waxaa bilaaabamay dagaalkii qaboobaa midawga sooofiyeedku waxa uu samaystay xulafo, halka uu maraykanku samaystay samaystay xulafo loogu magac daray NATO, turkigu waxa uu ku biiray NATo halkaasna waxaa ka bilaabmay cadawnimo cusub oo ugu danbayntii ruushka laga guulaystay midawgii soofiyeed wuu burburay waxaana samaysmay ruushkan imika aynnu naqaano.
turkigu waa uusoo noqday oo waxa uula soo noqday saamayntiisii ama uu qayb lasoo noqday, halka uu ruushku kasoo kabtay burburkii kuyimid ksdib markii uu burburay midawgii soofiyeedku, maraykanku marabo cidkula tartanta gacan ku haynta caalamka.
sidaa darteed turkiga iyo ruushku waxay imika xulafo uyihiin ama ugu yaraan turkigu aanu ka hor iman ruushka sida dagaalka yukrayn, turkigu waxa uu ka tirsanyahay NATO laakiin ruushka cadaw kuma aha sababtoo ah turkigu waxa uu doonayaa inuu ka dhex baxo reer galbeedka oo uu dib ula soo laabto saamayntiisii, taasina waata keentay inuu noqdo wadanka keliya ee aan hor iman ama aan cunaqabataynta kusoo rogin ruushka markii uu dagaalka ku qaaday yukrayn. Turkiga iyo ruushku waa tusaalaha ugu caansan caalamka kudanaysiga siyaasada iyagoo cadaw isku ah.

Post a Comment

0 Comments