Taariikhdu waxay xusaysaa inay somalida iyo turkida oo ah laba umadood oo muslima oo walaaalo ahi ay lahaayeen xidhidh tariikheed oo aad ufogaa,
imaamkii waynaa ee soamliyeed ee ahmed guray markii uu xabashida jihaadka ku ooogay ee uu adis dhaafiyey ee uu baabiiyey ciidankii xabashidad ee xabashidu ku carartay boortaqiiska oo berigaa galbeedka ugu awooda badnaa,dagaalka markii uu boortaqiisku soo galay waxay xabashidu heshay hub culus isla markii uu boortaqiisku xabashida hubka siinayey muslimiintoo geeska afrika oo ay somalidu hogaaminaysay waxaa hubka kii ugu awooda badnaa somlida iyo muslimiintii geeska afrika oo uu hoogaaminayey imaam ahmed siiyey cusmaaniyiinta oo ahaa berigaa quwada muslimiinta ama khilaafada muslimiinta, cusmaaniyiintu waxay ahaayeen awooda caalamka oo dhan ugu awooda badan waxayna imaam ahmed siiyeen madaafiic sidaas buuna imaam axmed ku noqday ninkii ugu horeeyey ee taariikhda africa madaafiic adeegsada,kadib markii imaam ahmed guray dhintay ee dawladii awdal ama adal daciiftay cusmaaniyiintu waxay sitoosa usoo dageen dhulka somalida oo aanay wakhtigaasi maamuli jirin,
waxayna somalida siin jireen taagero si ay iskaga xabashida iyo guumaystihii reer yurub ugu danbayna markay daciifeeen ayey ka baxeen qarnigii 19naad.
halyeygii ugu waynaa wakhtigii uu guumaystuhu dhulkeena soo galay ee sayid maxamed cabdile xasan waxa uu waayey taageeradii dawladii islaamku siin jirtay somalida halka xabashida ay ku carari jirtay ruushka iyo reer galbeedka, taasaana keentay in xabashiduna dhulkeena qaataan sasbtoo ah maalintaaas waxaa awood badnaa gaalkii cadaa ee taageeri jiray gaalka madaw.
kacaankii somaliyeed ee uu hogaaaminayey madaxwayne maxamed siyaad bare xabashidu waxay ku carartay midwgii soofiyeedka oo ahaa wadankii ciidanka soomaaaliyeed hubka ka iibiyey, xabashida iyo ruushku waa laba umadood oo dadka iskaga dhaw sababtoo ah waa isku mad-hab taasaa keentay inuu itoobiya usoo gurmado,somalidu sida xabashida loogu soo gurmaday maynhelin quwad islaama oo usoo gurmata taasaana keentay inay somalidu oo markii hore xabashida jabisay inay soo jabaan wadankuna qalalaase galo.
kadib markaan wadankeena burburinay ee caalamka oo dhami ka cabsan jireen dhulkeena turkidu wakuwii ugu horeeyey eee wadankeena soo booqday ee abaarihii wadankeena ka dhacay awgeed inoo keenay mucaawino muslimnimo, waakuwii erdogan iyo xaaskiisu caruurteena dhibaatadu haysatay ka farxiyey, waakuwii umadeena wadankooda ufaray ee fursad waxabrasho oo bilaasha siisay,
waakuwii ciidankeena oo inaga burburay dib udhis inoogu bilaabay ee noqday ciidankii ugu horeeeyey ee si dhaba inoo garab istaagay maantana waa iyagii uun ee ha isku khaldin iyaga iyo cadawgeena koowaaad ee xabashida.
0 Comments