Taariikh : Ugaas Nuur II
Ugaas Nuur kii labaad (Ugaas Nuur Ugaas Rooble , Arabic: سلطان نور سلطان روبلي ) loo yaqaan Ugaas Nuur Ugaas Robleh wuxuu dhashay 1835 wuxuu dhintay 1898. Ugaas waxaa taariikhda loo yaqaana in uu ahaa boqor soomaaliyeed iyo suugan yahan.
Ugaas Nuur 2 wuxuu ahaa ugaaskii 11 aad ee beelaha Gadabuursi. Waana ka ugu caan san isago wakhti dheer noola iyo duruufaha intii u beelaha boqorka u ahaa soo waajahay. Ugaas Nuur waa ninka heeshiisyada ugu badan ee boqor soomaaliyeed galo galay, isagoo la macaamilay Ottamn Empire, Egypt, France iyo Angland. Ragg badan ayaa wax ka qoray oo meel dheer uga soo safray si ay ula kulmaan Ugaas Nuur, isagoo waayadaa ahaa nin abood badan ku leh geeska Africa.
Waxa uu ku dhashay Saylac sanadku markuu ahaa 1835-kii, waxana lagu caleemo saaray Baki 1848-kii. Waxa uu ka dhashay beesha Reer Ugaas ee Makayl-dheere. Ugaas Nuur wuxuu ahaa nin dheer oo maariin ah oo gadh gaaban leh. Waxaa lagu yiqiin inuu lahaa lugo dhaadheer iyo gacmo dhaadheer. Intii uu dhallinyaranimada ahaa waxa uu aad u jeclaa fuulista fardaha, ugaarsiga iyo fanka hiddaha iyo dhaqanka oo uu aad u xifdiyey maahmaahyo, sheekooyin iyo gabayo aad u tiro badan. Wuxuu ahaa nooca uu ku hadlo erayo aan marnaba la ilaawi karin mar haddii ay dadka dhegahooda soo galaan. Wuxuu ahaa nin geesi ah oo ragannimo leh. Marka laga yimaaddo waxa uu ahaa gabyaa weyn oo caan ah oo intii uu xukunka hayay ma jirin nin gabayga kula tartami kara.
Ugaas Nuur 2 waxa uu uu samaystay hab u gaar ah oo uu ku kaydiyo murti, gabayo iyo sheekoo ilaa maanta la soo qaado. Waxa uu si fiican u yaqaannay Xeer ka Gadabuursi (xeerka dhaqanka) oo uu wax ka beddelay ama ku daray xeer cusub intii uu xukunka hayay. Wuxuu caan ku ahaa inuu si cadaalad ah ula dhaqmo saaxiib iyo shisheeyeba. Waxaa la sheegay in uu ahaa Gadabuursi Ugaas kii ugu horeeyay ee soo bandhiga ilaalo iyo askar ku hubeysan fallaadho iyo qaanso.
Xilligii Nuur II-aad Masar iyo Itoobiya labaduba waxay ku loolamayeen awoodda iyo sareynta Geeska Afrika. Marka lagu daro awoodaha gumaystaha reer Yurub waxay sidoo kale ku tartamayeen dhul istiraatiiji ah iyo dekedaha Geeska Afrika.
Sanadku markuu ahaa 1876kii Masar iyadoo Islaamka adeegsanaysa waxay heshiis la saxeexatay Ugaas Nuur waxayna u timid inay qabsato xeebaha waqooyi ee Soomaaliya oo ay ku jirto Saylac oo ahayd fadhigii saldanada Gadabuursi, laakiin sidoo kale waxay qabsatay magaalada Harar.
Ugaas Nuur waxa uu Masar u aaday inuu la kulmo Ismaaciil Pasha oo ahaa Qaadigii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, oo Boqorka Gadabuursi ku maamuusay billado iyo hadyado qaali ah. Ugaas Nuur ayaa halkaas ku saxeexday heshiis ay ku aqbaleen ilaalinta Masaarida Muslimiinta geesaka Africa. Waa heshiiskii Gadabuursi - Ottaman Empire.
Ugaas Nuur waxuu xidhiidh adag la samaysatay amiirkii Harar, Cabdullaahi II ibnu Cali. 1887-kii, markii Harar uu qabsaday Menelik II ee Itoobiya, Ugaas Nuur wuxuu soo diray askartii Gadabuursi si ay u taageeraan Cabdullaahi II ibnu Cali. Aakhirkii Amiirkii Harar waa laga adkaaday, waxaana Ras Makonnen loo magacaabay "Gudoomiyaha Itoobiya ee Harar". Menelik II wuxuu sii waday inuu u jeesto Gadabuursiga, wuxuuna u fidiyay Boqorka (Ugaas Nuur) iyo dadkiisaba difaac iyo taageero ciidan oo wada shaqayneed, Ugaas Nuur wuu diiday, wuuna dagaalamay ilaa dhimashadiisii 1898. Waxaana lagu aasay Dirri-Dhaba.
Markii la jabiyay cidaankii difaaca Harar ee askartii Gadabuursi ka mid ahayeen, ugaas Nuur tix tiiranyo leh ayu tiriyay. Wuxu yidhi :
« Tolkayow xalay taah ma ladin toosna maan qabine
Nimankaas Taagani waxay igu talaaleene
Togii Herer Axmaaraa dul tagay oo dilay dadkeeniye
Islaamkiina wuu wada tirtiray baa inoo timid eh
Taawooday oo xalay hurdadii tow ka soo idhiye »
Ugaas Nuur wuxuu ahaa suugan yaqaan caan ah oo somaali iyo ajnabiba ay dhagaystaan. Ugaas Nuur waxa uu ahaa abwaan caan ah oo ka mid ahaa kuwii ugu waaweynaa. Waxa uu curiyey maansooyin iyo murti badan oo si dhab ah u sharraxaya siyaasaddii iyo aqoontii waagaas.
Dhaxalkiisii sugaaneed waxa weli lagu dhigaa fasallada Maansada Soomaaliyeed (Suugaan Fasalka Koobaad). Abwaano badan ayaa tusaale u soo qaatay Ugaas Nuur hawshiisa, tusaale ahaan Professor Togane. The Horn of Africa journal ayaa sidan ka qoray Ugaas Nuur sugaantiisa :
"Waxaa dib u xasuusta maansadii murtida ahayd ee quruxda badnayd (Tixdii Ugaas Nuur), oo aan ku soo qaatay macaankii quruxda badnaa ee dunidii miyiga ahayd ee aan ku dhashay ee aan ku soo qaatay da'yartaydii, oo aan u hanqal taagayo inaan u soo noqdo".
Gabaygan waxa markii ugu horreysay lagu duubay "Farta Soomaaliga ee Gadabuursi", oo uu qoray I.M. Lewis sannadkii 1958-kii, hase yeeshee waxa uu ka saaray dhawr sadar. Waxa gebi ahaanteedba lagu soo qaatay “Dagaalka iyo Nabadda ee suugaanta Soomaalida”. Waa gabayga ugu caansan soomaalida ee lagu tilmaamo sida sharafta leh ee nin hogaamiya ahi u daqmi karo iyadoo xiligaa dagaala xun oo maata dooxi hadheeyeen geyiga soomaalida. Ugaas Nuur wuxuu muujinaya diplomaasiyad naadir ku ah soomaalida dhexdeeda :
"Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay
Nin ii daaqsanaayana maxaan daafida u kariyey
Jidhku nin uunan doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay
Ma degdego’e xaajada maxaan ugu dulqaad yeeshay
Weji debecsan dayma’an dareen gelin dubaaqiisa
Dibna furan dabuub una ka didin deexashiyo muuso
Qosol dibadda yaalloon ka iman dhuunta dacalkeeda
Kanaan degey kanaan doorka biday kani dan baan mooday
Waxaan dood kaftana sheekadaa ugu daleeyaaba
Dabinkaan u dhigay maalintuu dacalka soo saaro
Intiyoon dawaarka u rogoon xeeladda u daadsho
Isagoon digniin qabin maxaan kaga dayaan siiyey !"
Xitaa markii uu da'da weyn ahaa ku dhawaad 80, Major Leckie wuxuu wax ka qoray astaamaha quruxda badan ee Ugaas Nuur :
"Ugaas Nuur wuxuu ahaa mid dheer, toosan, si wanaagsanna loo dhisay. Xataa culayska sannadihiisii badnaa ma beddeli karo quruxda badan ee Boqorka oo ah astaamihiisii Soomaaliga ahaa ee uu lahaa. Wajigiisa waxaa ka muuqday garaad iyo dabeecad wanaagsan oo la isku hallayn karo"
0 Comments