Tan iyo markii aduunka la keenay ee janada laga soo saaray NEBI AADAM ilaa imika banii aadamku waxay kujiran loolan, loolanku badanka wuxuu ku qotomaa diin ama mabda uu qof ama ummadi aaminsantahay, waxaana jira laba mabda oo loo dagaalamo mid waa xaq waana diinta ALLE soo dajiyo midna waa khuraafaadka shaydaanka, aduunka aan joogno waxaa soo maray quwado badan oo mid weliba ay u dagaalamayso waxa ay aaminsantahay waxaasi haba ahaado asnaab laakiin cida keliya ee waxa ay u dagaalamayaan guul ka gaadhay waa muslimiinta oo ALLE WAYNE garabkooda taaganyahay, markii xabiibkeena loosoo dhiibay diinta islaamka ee uu usoo bandhigay carabtii maka kunoolayd iyo kuwii jasiirada carabta kunoolaydba,waxay Lasoo istaageen waxaan aaminsanahay oo aan u dhimanaynaa diintii aan kasoo gaadhnay aaabayaashay,diinta ay aaminsanaayeen waxay ahayd diin baadila laakiin way udagaalameen wayna ku khasareen laakiin adigu muslim ayaadtahay kumana khasaaraysid inaad udagaalanto diintaada islaamka oo waxaad noqonaysaa shahiid diinta islaamka ushahiiday, sida aynnu wada aaminsanahay qofka diinta islaamka dartii udagaalama ee la dagaalama gaalo markuu dhinto naftiisu waxay kunooshahay janada oo shimbiro ayaa lageliyaa ruuxdooda,inaad udagaalantid diinta islaamku maaha inaad qori qaadato oo aad gaalada disho oo keliya laakiin gaaladu waxay kudagaalamaan maskaxdooda keliya qori ma adeegsadaan adigana waxaa lagaa rabaa inaad maskaxdaada iyo gacantaadaba aad kudagaalantid, si aad hadafkaa u gaadhid waa in aad waxbadan barataa weliba waxa aad adigu jeceshahay,tusaale ahaan hadii aad jeceshahay technology waa inaad ugu dagaalantaa diintaada sharafta leh oo aad macluumaadyada khaldan ee laga faafiyo kahortagtaa si kasta oo aad uga hortagi karto,sidoo kale inaad faafisaa macluumaadyo wanaagsan oo dadka kusoo dhiirigelinaya diinta islaamka.
hadii aad ufiirsatid aduunka dad aaminsan inuu saca iyo xooluhu ilaahay yihiin oo lagu wada qoslayo ayaa hadana kuqanacsan oo udhimanaya, qofkaasi kuraafaad buu diin ka dhigtay laakiin adigu waxaad haysataa diinta keliya xaqa ee aduunkan dul saaran, ILAAHAY ayaa inoogu nicmeeyey diintaas wanaagsan oo inoogu balanqaaday inaan jano kugalayno oo aad weligaa kuwaarayso, janadaasi dhexdeeda lama gaboobo,lama xanuunsado,lama gaajoodo,dhar lama waayo,xaasidnimo iyo waxkasta oo xuni majiraan oo ALLE WAYNE ayaa ka mamnuucay, adiga hadaba sidee ugu dooran lacag yar iibinta diintaada ama aad gaalada uga baqan si aanay kuugu adeegsan kalmado xun ama aanay kuu dilin awgeed, aduunka intaad joogaysid ALLE WAYNE ayaa qoray maalintuu katag uuku yidhaahdana waad ka tagaysaa oo waad dhimanaysaa oo aakhiro ayaad tagaysaa oo aad ilaa weligaa aad kunoolaanaysid hadaba halkaas aadweligaa kunoolaanaysid inaad udagaalanto saw kama mudno intaad udagaalamaysid meel aad ka tagaysid inaad udagaalantid, ALLE WAYNE markuu kaa dhigay qof muslim ah wax kaa dhiman majiro oo qofkasta mahelo islaamnimada laakiin aduunka qof walba wuu helaa,sidaa darteed ugu dagaalan diintaada wax kasta oo aaad haysatid sababta oo ah waad ka tagaysaa wax kasta oo aad haystid sidaa darteed intaad haysatid ee aanad ka tagin wax kuqabso oo mustaqbalkaaga dhabta ah dhiso.
ufiirso wadamada caalamka mid kasta sababta intaas oo askari ay uga dhimanayaan waxay udagaalamayaan waxay aaminsanyihiin, waxa ay udaagaalamayaan waa wax khaldan laakiin adigu maxaad ugaadhsiin laadahay diintaada islaamka oo aad sabab ugu noqonlaadahay in qofkaasi guulaysto halka uu isagu guuldaradaada uusabab unoqonayo,sabab sabab sabab, maanta wixii ka danbeeya diintaada islaamka yeyna cid dambe foolxumo uyeelin adigoo wax ka qaban kara haba ahaato afka oo aad ka hadasho, maalin dambe yeyna dhicin inaad nuurkaaga iyo diintaada ALLE WAYNE kusiiyey aad gaadhsiin waydo dadka aanan haysan, si ay uhelaan khayrka oo adiguna aad uheshid khayrka uu isagu helay toban jibaarkii,
ALLE WAYNE ha inaga dhigo kuwo diintooda udagaalama marwalba sida ay awoodaan aamiin YAARABBI,
fariintan lawadaag walaalkaa oo sii faafi.
0 Comments