Sadaam xuseen waxa uu ka mid ahaa ragii ugu caansanaa caalamka islaamka qarnigii ina dhaafay, waxa uu ahaa madaxwaynihii ciraaq, waxyaalaha uu caanka ku noqday waxaa kamid ahaa dagaalkii uu la galay iiraan, dagaalkaas oo socday 1980 ilaa 1988-kii, dagaalka uu ku dhintay malaayiin askari labada dhinac midna kumuu guulaysan,markii uu dhamaaday dagaalkaasi labo sano kadib 1990-kii sadaam waxa uu dagaal ku qaaday kuwayt, sababta ugu wayn ee uu u weeraray ayaa al sheegay inuu kasoo horjeeday shidaalka warqadaha dollarka ah lagu iibiniyo, isla sanadkii 1990 ayaa ciraaq laga saaray kuwayt waxana kasaaray wadamada carabta iyo reer galbeedka oo iskaashanaya,waxa kale oo la sheegaa inuu sadaam xuseen uu yuhuuda kutuuray 39 gantaal, ugu danbayn 2002 ayaa ciraaq lagu soo duulay isla wadamadii dagaalkii kuwayt kula galay oo kuwo kusoo biireen ayaa ciraaq dagaal kusoo qaaday wadankii ayey burburiyeen sadaamna way qabteeen ugu dambayntiina way daldaleen.
boqor faysal waxa uu ahaa boqorada ninkii ugu caansanaa uguna geesisanaa, sidoo kale waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee shidaalka ku dagaalama, kadib markii reer galbeedku u hiiliyeen yuhuuda 1973-kii taasi ookeentay in waddamada reer galbeedka oo ah wadamada shidaalka ugu badan caalamka isticmaala saf loo galo shidaal daro awgeed, wasiirkii arimaha dibada maraykanka oo loosoo diray inuu boqor faysal lasoo hadlo ayuu boqor faysal inta uu saxara geeyey uusoo siiyey timir iyo caano kuna yidhi anagu haduu shidaalku istaago waxaan ku noqonaynaa noloshayadii laakiin inigu maxaad u isticmaalaysiin warshadihiina, ugu danbayn boqor faysal waxaa la dilay march 25,1975-kii isagoo 68 jir ah, dilka waxa fuliyey wiil uu adeer u ahaa laakiin waxaa kadanbeeyey sirdoonka maraykanka iyo reer yurub.
Macamar laqadaafi waxa uu ahaa nin aad uneceb reer galbeedka oo sidii sadaam xuseen kasoo horjeeday shidaalka dollarka lagu iibinayo,waxa uu wadankiisa dhaqaale ahaan heer ilmaha uurka kujira lacag loosii qoro, wadankiisu waxa uu qani ku ahaa shidaalka isaguna wuxuu noqday midkamida taajiriinta aduuunka laakiin hantidiisii halkay martay kama yaqaan ilaa imika, qadaafi waxaa lagu riday gugii carabta 2011-kii isaguna waxa uu shacabka uu u adeegsaday diyaarado oo uuku burburiyey, reer liibiya ilaa imika waxay leeyihiin yaa qadaafi soo celiya, waxyaalaha uu caanka ku ahaa waxa kamida inuu buug kaqoray arinta falastiin iyo yahuuda xooga ku haysta,waxa uu kudoodi jiray inla dhiso halwadan oola yidhaahdo israadiin oo labada magac ee labada dhinac la isku dhafo,sidoo kale waxa uu aad ugu doodi jiray inay wadamada carabtu noqdaan hal wadan.
jamaal cabdinaasir waxa uu ahaa madaxwaynihii labaaad ee masar kadib markii boqortooyadii ciidanku meesha kasaaray, waxa uu xukunka lawareegay1956-dii, waxa uu aad caanka ugu noqday dagaalkii uula galay sadexdii cadaw ee kala ahaa ingiriis,faransiis iyo yuhuuda, waxa kale uu caan ku ahaa inuu rabay carabtu midoobaan waxana uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee arintaasi bilaabay,ugu danbayn waxa uu dhintay september 28, 1970-kii isagoo 52 jir ah.
Siyaad bare waxa uu ahaa madaxwaynihii sadexaad ee somaliya waxa uu afgambi aanu dhiig ku daadan xukunka kula wareegay isaga oo hogaaminaya kacaankii somaliyeed 1969-kii, waxa uu ahaa madaxwaynihii ugu saamaynta badnaa somaliya, waxa uu xuukunka hayey muddo 22 sano ahayd, siyaad waxa uu wadanka gaadhsiiyey wuuna burburiyey wadankii uu dhisay, waxyaalihii ugu caansanaa ee uu sameeyo waxay ahayd dagaalkii aan xabashida la galnay 1977-kii, dagaalkaasi waan ku guulaysanay laakiin gaalada ayaa usoo gurmatay xabashida,kadib markaan dagaal la inagu soo jabiyey ee xabashida loo hiiliyey siyaad waxa uu noqday keligii teliye isaga oo ugaadhsaday kacaankii somaliyeed, ugu danbayn waxa xilka laga tuuray 1991-dii.
ninkani waxa uu ahaa nin qosola waxyaalaha ugu qosolsan waxaa kamida inta uu ingiriiska tagay ayuu suuqa iska galay isaga oo dukaamaysanaya ayey boqoradu usoo dirtay wafdi kuna tidhi uyeedha isna waxa uu ugu jawaabay kabo ileeg ayaan ka waayey wadankaygii oo wadankaaga ayaan usoo doontay, waa madaxwaynihii hore wadanka yugaandha iidi abii dada, wax kale ee laga soo wariyo waxa kamida ciidamo gaara utobobaray inay la dagaalmaan yuhuuda, waxa uu ahaa saaxiibkii siyaad bare, ugu danbayn markii xukunka laga riday waxa uu u baxsaday wadanka sucuudiga.
0 Comments