Ticker

6/recent/ticker-posts

What destroyed Somalia/maxaa somaliya burburiyey?!!

somaliya waxay xoriyada qaadatay sanadkii 1960 waxay noqotay wadan dimuquraadiya oo doorashooyin kadhacaan laakiin keliya waxay socotay 9 sano oo keliya,madaxwaynihii ugu horeeyey ee la doorto wuxuu ahaa AHN aadan abdule (aadan cade) aadan cade waxaa xilka hayey intii udhaxaysay 1960 ilaa 1967kii.
sanadkii 1969kii waxaa la dilay madaxwaynihii labaad AHN abdirashiid ali sharmaake,madaxwayne abdirashiid waxaa lagu dilay magaalada laascaanood isagoo safar ku marayey gobolada woqooyi ilaa imikana lama yaqaano cida ka dambaysay dilkiisa arintaasi waxay wadanka gelisay khalkhal siyaasadeed.
todobaad kadib waxa wadankii afgambi kula wareegay ciidankii oo sameeyey afgambi aanu dhiig ku daadaan,kacaanku 7dii sano ee ugu horaysay waxa uu dhisay ciidanka sadexaad ee afrika ugu awooda badan marka laga yimaado ciidamada masar iyo nayeeriya,sidoo kale somaliya waxay dhisatay dhaqaale xoog badan,sanadkii 1977kii somaliya markay awood yeelatay waxay bilawday inay raadiso sadexdii somali ee maqnayd,
waxay ka bilawday somali galbeed oo itoobiya xoog ku haysatay ilaa imikana ay ku haysato,dagaalkii itoobiya waan ku jabinay laakiin waxay ku carareen gaaladii ay isku diinta ahaayeen oo uu ruushku ugu horeeyo oo berigaa midawgii soofiyeed ka talinjiray oo ahaa quwada labaad ee caalamka ahna cida qalabaysay ciidankii awooda badnaa ee somaliya,mida kale maraykanka iyo reer yurub maadaama ay soofiyeedka dagaalkii qaboobaa kula jireen waxay inoo balanqaadeen inay ina garabtaaganyihiin laakiin maadaama aanahay wadan muslima oo wadan kirishtan ha dagaal ku qaaday balantii way inooga baxeen xiligaasina majirin wadan muslima oo quwad caalamka ka ahi somaliya waxayba ahayd wadamada islaamka kuwa ugu awooda badan,
somaliya waxay noqotay wadan dagaalkii cidlo lagaga dhaqaaqay, wadamada islaamka ee somaliya garab istaagay waxaa kamid ahaa sucuudiga iyo masar oo inaga bixiyey lacag aan hub kusoo qadanay, wadamada kale ee islaamku awood umay lahayn inay ina garab istaagaan sababtoo ah waxay ahaayeen kuwo kutiirsan wadamada maraykan, soofiyeed iyo reer yurub oo itoobiya taageeray, waxaana la ilaawi karin ciidamdii itoobiya u dagaalamay ee ka yimid kuuba iyo ruushka.
kadib markay somaliya kusoo jabtay dagaalka waxaa cadhooday qaar badan oo kamida ciidankii iyo siyaasyiin markii horeba kasoo horjeeday kacaanka, sanadkii 1978kii waxaa dhacay afgambigii dhicisoobay ee abdilahi yuusuf, cabdilaahi yuusuf wuxuu markii la ogaaday afgambiisii wuxuu ucararay isaga iyo ciidan uu hogaaminayey wadanka kenya laakiin kenya wuu ka baxay kadib markay somaliya uhanjabtay kenya waxana uu ubaxay wadanka itoobiya ee aan dagaalka la galnay itoobiyana waxay rabtay inay somaliya burburiso wayna soo dhawaysay,
sidoo kale waxa la aasaasay SNM oo uu aasaasay cigaaal oo ahaa raysal wasaare markii kacaanku wadanka qabsaday, ugu danbayn siday jabhadihii siyaad bare ula dagaalamayeen isna uu ula dagaalamayey wadankii wuxuu burbruray 1991kii maalintii uu burburay ilaa imikana wadankii dib iskuma raacin inaan israacno iska daaye waan sii kala fogaanay.

Post a Comment

0 Comments