waxaan ahay wiil 21 sano kudhexjira waxaan ka sheekaynayaa qiso jacayl oo igu dhacday oo qalbigayga burburisay oo qalbigayga udiiday inuu qof kale jeclaado iyaga oo ay kasoo wareegtay 3 sano waxaan rajaynayaa markaan qisada qoro inay iga hadho inshalah,qisadu waxay ku bilaabantay waxaan ahaa wiil waxbarashiisa kufiican waxaan kujiray dugsiga sare fasalka sadexaad, sidoo kale waxaan dhigan jiray college computerka lagu barto waana halka ay qisadu ka dhacday, machadka mar baan ka qalinjabiyey laakiin macalinka ayaa noo bilaabay qaybo cusub waxaanan ku bilaabanay aniga iyo laba gabdhood, waan bilaabanay oo sifiican ayey noogu socotay, macalinka ayaa iga dalbaday gabdhaha mid kamida inaan dhaweeyo maadaama aan wakhti dambe habeenkii kabixi jirnay xiisada gabadhana gurigoodu dheeraa, markii hore gabadha waan israaci jirnay oo xataa xataa magacyada markaan maalmo badan aan israacnay ayaan isu sheegnay,bil kadib gabadhii waan isbaranay numberadiina waan kala qoranay,
gabadhu waxay ahayd gabadh akhlaaqad,qurux iyo xishoodba lagu soo barbaariyey oo anigu hooyadeedii soo barbaarisay ayaaban garanayaa,iyadu schoolka hal sano ayey iga hoosaysay,gabadha iyo anigu waxaan ahayn laba qof oo isku aragti ah nolosha, mudo kadib waxaan usoo bandhigtay oon usheegay inaan jecelahay iyaduna way iga aqbashay,
anigu gabadha waxaan ujeclaa aanan ujecelahay ilaa imika iniima tilmaami karo laakiin waxaan inii sheegi karaa inuu qalbigaygu qof kale ilaa imika uu jeclaan waayey,muddo markaan xidhiidhkii wadnay gabadhii way isbadashay oo ficilo aan la yaabi jiray ayey samayn jirtay wakhtigaasi maan fahmi jirin sababta laakiin dib ayaan ka fahmay oo waxay rabtay inaan noco, anigu hadaan gabadhaasi oo qof kale agjoogtaba aan arko waan cadhoon jiray ilmana way iga iman jirtay kadibna meeshaas ayaan dagdag uga dhaqaaqi jiray markaan soo nafiso ayaan meesha kusoo noqon jiray ama waan iska maqnaan jiray, mararka qaarkood khalkhal nafeed iyo isku dhex daadasho ayaa igu dhici jirtay dadkuna ficiladayda way la yaabi jireen, muddo kadib dadkii oo dhami way na ogaadeen oo qisadayada caan bay noqotay ilaa imika dad badan oo iwaydiiya ayaa jira,waxaa ahaa markii uu xidhiidhkayagu fiicnaa qof mar walba iska qosla xataa isagoona laga qoslin sababtuna waxaan soo xasuusanayey fariimahay iisoo dirto, markuu xidhiidhkayagu xumaadayna waxaan noqday qof mar walba fikira oo wakhtigada qaar qof markuu ila hadlayo markaan ujawaabi waayo uu iska aamuso,
arintii waxay gaadhay in saaxiibaday oo markii hore kaftanka aan isla heli jirnay ay iigu yeedhaan sarkhaan baad noqotay,macalimiintiina waan colownay oo casharada maan soo diyaarinjirin, mwaxa keliya een isku dhaafin jiray waxay ahayd inaan qisooyin jacayl, sheeko jacayl iyo video samayn jiray oo waxaan ahaa youtuber video appska sharaxa,muddo markaan aniga iyo iyadu sidaas iskugu xumayn ayaan saaxiibkay ka ogaaday in gabadha la guursaday, iyaduna markii hore iimay sheegi jirin laakiin si aan unaco ayey ficilo na kala fogaynaya usamayn jirtay, saaxiibkay iyo anigu waxaan samaysanay kalmad sireed aan isku afgarano oo wuxuu igu odhan jiray naarul xub kawaran,wax uu wakhtigu sidaa ku socdaba waxaan isku dayey inaan is ilawsiiyo laakiin waan ilaawi waayey ilaa imikana maan ilaawin, waxaa dhacday inaan maalin isku xanaaqnay oo aan caayey kadibna ay macalinka computerka noo dhigi jiray iisheegtay isna uu rabay inuu isoo xidho aniguna markaan ogaaday in la igu daba jiro waxaan tagay xaafadoodii oo hooyadeed ayaan soo raaligeliyey nasiib wanaag iyadu may ogayn taas ayaana ibadbaadisay, gabadhu waxay ahayd reer muqdisho laakiin waxay ku noolayd magaalada boorama oo qoyskoodu daganyahay oo ay ilaa imika ku nooshahay,qisada waan soo gaagaabiyey oo dhacdo kasta maan dul istaagin sababtoo ah ma rabo inaan ku noqdo xaaladii la iigu bixiyey qalbi ciyaalka, ugu danbayn waxaa MAHAD OO DHAMI AY USUGNAATAY ALLE WAYNE OO MARWALBA GARABKAYGA TAAGAN CULAYS KASTANA IDHAAFIYEY,sidoo kale macalinkaygii oo iiga sheekayn jiray qisooyin isaga soo qabsaday, saaxiibaday oo mar walba garabkayga taagnaa iyo saaxiibbkay oo igula teliyey inaan qoro markaasna aan ilaawi doono, saaxiibkau wuxuu hore iila wadaagay qiso jacayl isaga ku dhacday waxaanan soo dhigay websitekeena linkigan ayaanad ka akhrisan kartaa: https://www.muquuro.com/2024/02/ilmadii-kululayd-sheeko.html
0 Comments