waa sanadkii 1974kii caalamku wuxuu ukala qaybsanaa laba qaybood, qayb maraykanka raacsan iyo qayb midawgii soofiyeed raacsan, soomaaliya waxaa ka talinayey kacaankii oo 5 sano jirsaday, kacaanku berigaa wuxuu kusocday horumar xawliya, wuxuuna katirsanaa xaga midawga soofiyeed oo kacaanka taageeri jiray ciidamadii soomaaliya waxaa dhisay midawgii soofiyeedka tobobar iyo hubna siiyey,
soomaaliya berigaa waxay ahayd wadanka 3aad ee afrika ugu awooda badan waxaa kahoreeyey masar iyo nayjeeriya oo keliya,
itoobiya waxaa xukunkiisu sii dhamaanayey boqorkii ugu danbeeyey ee xaylasalaase, itoobiya berigaa waxaa taageeri jiray maraykanka waa wakhtigii boqortooyada, maraykanku wuxuu saldhig milatari kulahaa eletariya iyo wadamada khaliijka, soofiyeedkuna wuxuu kulahaa soomaaliya,ciraaq iyo yamanta koonfureed,
midawgii soofiyeed saraakiishii ujoogay soomaaliya ayaa saraakiishii soomaaliya usoo jeediyey inay kuduulan itoobiya,soofiyeedku wuxuu doonayey in yamanta koonfureed iyo ciraaq labada dhinac kaga dhuftaan wadamada khaliijka, soomaaliyana marka hore jabhado ku abuurto itoobiya kadibna ay weerarto si nidaamka itoobiya loo badalo, soomaaliyana fursad ayey u ahayd inay quwan wayni ku taageerto inay ku duusho itoobiya,
itoobiya inaan weerarno waxaa inaga hor istaagsanaa labadii quwadood ee maraykan iyo soofiyeed sababtoo ah itoobiya waxaa maamula xabashi oo kiristaan ah, iyada oo ay sidaa wax kusocdaan waxaa itoobiya ka dhacay abgambi dhiig ku daatay oo ciidanku boqortooyadii xilka kaga tuureen, waxaana sidaa itoobiya kaga dhashay nidaamkii dhargiga ee mingiste oo shuuciyada qaatay, halmar ayey wax kasta isbadaleen, soomaaliya markiiba waxay bilawday inay fursada ka faa"iidaysato waxay dib usoo celisay jabhadihii hore la inoogu hanjabay inaan joojino wakhtigii cabdirashiid cali sharmaake,
laakiin maadaama uu nidaamkii isbadalay itoobiya waxaa meesha ka baxay hadafkii soofiyeedku kurabay inay badalaan nidaamka itoobiya, askarta itoobiya way dareemeen halista kusoo wajahan sidaa darteed waxay meesha ka saareen xaylasalaase oo reer galbeedka taageersanaa,
markii afgambigu itoobiya ka dhacay xornimo doonkii waxay gudaha ugaleen soomaali galbeed oo waxay dagaalo goosgoosa kula jireen ciidamada itoobiya, dawaladii soomaaliyeedna waxay hub iyo tobobarba la garab taagnayd xornimo doonka soomaali galbeed, mingiste ayaa markuu dareemay khatarta kusoo socota si dagdag ah ugu duulay mooskow,
inta uu lugaha qabsaday hogaamihii soofiyeedka oo uu waraaq cad udhiibay ayuu ku yidhi waxaad doontid i amar waan fulinayaa ee soomaalida iga celi sayadii, ninkii soofiyeedka haystay inta uu iskibriyey ee uu kusoo foorarsaday ayuu kuyidhi kor akac, wuxuuna amray in ciimada maraykanka laga saaro itoobiya, sidoo kale itoobiya ay shuuciyada qaadato, midawgii soofiyeed waxaa isbadalay hadafkiisii sidaa darteed wuxuu wafti usoo diray soomaaliya wuxuuna ku amray inay dagaalka joojiyaan,
soofiyeedku isagaa ciidamada soomaaliyeed tobobaray sidaa darteed awood ayuu ku dhex lahaa soomaaliya, soomaaliya waxaa ucuntami waayey qaabka soofiyeedku u hadlay sidaa darteed waxay ugu jawaabtay wafdigii dagaalka lama joojinayo, waxayna sii laba jibaartay xornimo doonkii soomaali galbeed, soofiyeedku wuxuu fahmay in soomaalida sidan fudud aan lagu qancin karayn sidaa darteed hogaamihii soofiyeedka leonid brezhnev ayaa usoo duulay muqdisho si uu siyaad bare ugu qanciyo joojinta dagaalka laakiin siyaad bare wuu diiday, halsano kadib 1977kii waxay si rasmiya soomaaliya ugu duushay itoobiya,
si itoobiya looga xoreeyo maahin keliya soomaalida ee dhamaan muslimiinta ay xabashidu xooga ku haysato, dagaalkaasi si dagdaga ayaan itoobiya ugu jabinay waxaanan dib usoo ceshanay caasimadeenii herer laakiin waxaa markiiba si toosa dagaalkii usoo galay wadamadii shuuciyada oo ay kujireen liibiya iyo yaman oo ah wadamo muslimiin ah, maraykanku wuxuu balantii uga baxay soomaaliya, caalamka oo dhami wuxuu taageeray itoobiya, marka laga reebo wadamo kooban sida masar, ciraaq, sucuudiga, iiraan iyo baakistaan, laakiin wadamaasi laftoodu waxay ku kala jireen labadii xulafo ee maraykan iyo soofiyeed, taasina waxay keentay inay koobnaato taageeradoodu, dagaalkaasi aduunka oo dhami wuxuu la dagaalamay soomaaliya, waxaana 1978kii lasoo jabiyey ciidamadii sadexaad ee ugu awooda badnaa afrika, wixii intaasi kadambeeyey soomaaliya waxaa u bilawday inay gudaha ka burburto, ugu wadankeenii wuxuu burburay 1991kii,
hadaba inaga oo isku beegayna in kasta aynna 100% isku mid aynna noqon karin, itoobiya maanta waxay doonaysaa inay dhulkeena qaadato iyada oo horeba dhul inooga haysatay, ruushka oo ah midka taageera itoobiya wuxuu maanta kujiraa dagaal, reer galbeedna dagaalka ayey dhinaca kale kaga jiraan,sidoo kale waxay dagaal kula jiraan shiinaha oo ah quwada dhabta ah ee imika reer galbeedku kabaqayo ayey dagaal qabaw kula jiraan, sidoo kale waxay kujiraan dagaalka lagu hayo shacabka falastiin oo isku badalay dagaal wayn oo beriga dhexe oo dhan saamayn doona,
turkiga ayaa ah midka ugu wayn xiisada geeska afrika kajirta faraha kula jira, turkigu wuxuu xidhiidh fiican la leeyahay itoobiya oo abiy markii uudagaalka lagalay tigreega turkigu wuxuuu badbaadiyey abiy ahmed oo ay u arkaan xaliif wanaagsan, sidoo kale soomaaliya iyo turkiga waxaa kasoo dhexeeyey heshiis taariikhi ah ilaa wakhtigii cusmaaniyiinta iyo dawladihii soomaalida,
turkiga soomaaliya waxay utahay xaliifka ugu wayn ee uu afrika ku leeyahay, soomaaliya iyo turkigu waa laba wadan oo muslimiin ah,
erdogan waxa uu wadankeena soo booqday 2011kii wakhti wadankeena aanay soo booqan jirin masuuliyiinta dawladaha ugu saraysa, saldhiga milatari ee ugu wayn ee turkigu ku leeyahay meel wadankiisa ka baxsan wuxuu ku leeyahay soomaaliya,
hadaba hadii dagaal kadhex qarxo turkigu yuu la safanayaa, turkigu labada wadanba wuxuu la leeyahay xidhiidh fiican, wuxuuna wadaa dhexdhexaadin uu labada wadan ku dhexdhexaadinayo si uu u ilaashado xidhiidhka uu labada wadan laeeyahay, hadii aad dib unoqotid midawga soofiyeed sidaas ayuu sameeyey, soomaaliya ayaa wakhtigaa ahayd wadanka wax weeraraysay, laakiin maanta itoobiya ayaa weerar xaq daro ah kujirta, ruushka iyo itoobiya waa isku diin, xidhiidh taariikhi ah ayeyna lahaayeen weligoodba, turkiga iyo soomaaliya waa laba wadan oo muslimiin ah, xidhiidh taariikhi ah ayeyna lahaayeen, hadaba turkigu markay gaadho saacada dagaalka yuu la safan doonaa taariikhda ayaa sheegi doonta.
0 Comments