qormadan waxaan ku falanqayn doonaa masaarida iyo xabashida midka somalidu ay tahay inay soo dhawaysato, waxaan eegi doonaa taariikhda sababtoo ah taariikhdu waa cida keli ah ee runta inoo sheegaysa,taariikhda waxaan uqaybin doonaa sadex qaybood ookala ah taariikh qadiim ah, taariikhdii dhexe iyo taariikhdan casriga ah,
ASALKA LOOLANKA
hadii aynnu dib ugu noqono taariikda qadiimka ah waxaan arkaynaa inay dhulkeena ay kajirtay boqortooyadii bunt, dhulka xabashidana ay ka jirtay boqortooyadii axum, dhulka masaaridana ayka jirtay boqortooyadaii faraacinada,
waxa aynnu ognahay xidhiidhkii gunta dheeraa ee ka dhexeeyey bunt iyo faraacinada oo aynnu kusoo qaadanay qormadeenii hore, faraacinadu waxay bunt ka aaminsanaayeen inay ahayd dhulkii ay kasoo jeedeen, waxaana taariikhda lagu hayaa socdaalo ay ku imanjireen dhulkeena faraacinadu,taariikhda dhulkeena oo aan sifiican loo baadhin awgeed lama oga socdaalo ay bunt ku tagtay dhulka masaarida, faraaciintu waxay ahaayeen quwad caalami ah oo aduunka kasoo talisay, dhaqaalaha masar wuxuu aad ugu tiirsanyahay waxbeerashada waxayna biyo ahaan u isticmaalaan webiga niilka, kasoo bilaw faraaciintii ilaa masarta maanta jirta webiga niilka hadii la taabsado waxay u aragtaa in cumaha la qabtay, xabashidana webigu wuxuu soo maraa dhulkooda waxayna ku qasbanyihiin inay ka faa"iidaystaan, waana halkan halkay isku hayaan xabashida iyo masaaridu, waxaana taariikhda lagu hayaa dagaalo badan oo dhexmaray labada dawladood.
somalidu dawlado badan oo beriga africa kasoo taliyey ayey lahayd,somalidu waxay maamulaan bada cas oo caalamka beriga iyo galbeedka isku xidha, waxaana somalida lagu yaqaanaa ganacsiga, waxayna xidhiidh dheer la lahaayeen shiinaha, hindiya, carabta, faarisiyiinta, roman empire iyo faraaciinta oo ay xidhiidh aad udheer lahaayeen,sidoo kale somalidu waxay leedahay dakado waawayn oo beriga iyo badhtamaha afrika wax kala soo degi jireen, xabashida waxaa muhiim u ahayd bada cas gaar ahaan baabul mandab oo waxay weligoodba ku hamiyi jireen inay helaan maadaama oo uu yahay halka ay marto ganacsiga caalamku,sidoo kale waxay dakadeheena ka dhoofsan jireen agabyo muhiim ah, sidoo kale somalidu haday xabashida is qabtaan waxay joojin jireen ganacsiga u maraya bada cas iyo gacanka cadmeed,waana halka ay isku hayaan xabashida iyo somalidu,
TAARIKHDA QADIIMKA AH
taariikhda qadiimka ah waxaan ula jeedaa wixii islaamka kahoreeyey, maadaama oo aad fahamtay asalka ay mushkiladu ka taagantahay waxaa kuu fududaanaysa inaad fahamtid sida xulafo looyahay, xabashidu hadii ay damcaan inay ka faa"iidaystaan webiga waxaa kasoo horjeenaya masar oo uu webigu muhiim uyahay, waxaad ogtahay bunt oo ah dalka somaliya xidhiidhkii ka dhaxayn jiray iyo masartii hore, sidoo kale xabashidu waxay weligoodba ku hamiyi jireen inay qabsadaan bada cas oo ah badeena, mar kasta oo ay xabashida isku daydo inay webiga xidhato wuxuu dagaal dhexmari jiray xabashida iyo masaarida, somaliduna waxay mar walba xulafo iyo walaal la ahaayeen masaarida taariikh wayna kala dhaxayn jiray, somalidu ama ciidan ayey udiri jirtay si ay xabashida ula soo dagaalamaan ama waxay kusoo rogi jirtay cunaqabatayn dhaqaale oo waxaan faraha ku haynaa bada caalamka beriga iyo ka galbeed isku xidha, hadii xabashidu isku daydo inay qabsadaan bada cas markay daciifto dawladeenu, waxaa inoo hiilin jiray masaarida.
TAARIIKHDII DHEXE
taariikhdii dhexe waa markii nuurka islaamku caalamka yimiday,islaamka kahor xabashidu waxay qaateen diinta kiristaanka, markii nuurka ilsaamku dhulka yimiday ee uusoo dhaafay jasiirada carabta somalida iyo masaaridu waxay qaateen diinta islaamka,halkaasina waxaa kasii socday xidhiidhkii gunta dheeraa ee udhexeeyey masaarida iyo somalida, waxay taariikhdu xusaysaa in somalida iyo masaaridu dagaalo wada galeen, dagaalku wuxuu doqon karaa mid ciidan iyo mid dibloomaasiyadeed,
halkan la marayo xabashidu hamigoodu wuu waynaaday oo waxayba doonayeen inay maka qabsadaan sidii ay iskugu dayeen sanadkii maroodiga oo islaamka ka horeeyey, xabashidu markay kiristaanka ay qaateen islaamka kahor waxay doonayeen inay qabsadaan ama burburiyaan xaramka barakaysan laakiin umay suurto gelin, markuu islaamku xoogaystayna dhawr jeer ayey isku dayeen oo waxay qabsadeen magaalada jida iyaga oo usocda maka iyo madiina,dagaaldaa waxaa kamid ahaa dagaalkii ay xabashida iyo boortaqiisku ku doonayeen inay lasoo baxaan NEGIGEENA (NNKH) dagaalkaasi waxaa kahortagay oo jabiyey axmed guray oo wakhtigaasi noolaa,
sidoo kale markii uu axmed guray kujiray dagaaladii xabashida uu kula dagaalamayey ayaa xabashida waxaa usoo guramaday reer galbeedka oo uu boortaqiisku berigaa ugu awood badnaa,masaariduna waxay uhiilinayeen somalida arintaasi oo boqorkii xabashidu kacadhooday waxana uu masar ugu hanjabay inuu xidhan doono webiga, arintaasi markii uu ogaaaday axmed guray wuxuu dagaal kuqaaday xabashida si looga hortago inay webiga xidhaan.
TAARIIKHDA CUSUB
taariikhda cusubi waa markii reer yurub kusoo duuleen dhulka islaamka si ay uguumaystaan, taariikhdu waxay xusaysaysaa markii dhulka somalida gumaystuhu soo galay waxay gacan siiyeen xabashidii aan 500 oo sano kuxajinaynay gobolka xabshida iyo ka tigrayga,caasimadeenu waxay ahayd herer dawladii masar waxay inoo soo dirtay caawimaad militari, markii dambe ingiriiska ayaa ku qasbay inay dhulkeena kabaxaan,
waxayna hub badan siiyeen xabashida si ay dhulkeena uqabsadaan,
sidoo kale markii dawladii daraawiishtu dagaalka kula jirtay gumaystaha cad iyo kan madaw ee hubka lasiiyey waxay masaaridu siin jirtay dawlada daraawiishta saad milatari oo ay si sir ah dhulka kusoo gelin jirtay,
sidoo kale markii xornimada aan qaadanaynay xabashidu waxay doonaysay inay dhulkeena inta hadhsan qaadato, masaariduna aad ayey uga soo horjeeday wayna inoo ololaynaysay inaan dawalad dhisano,
sidoo kale markii 1964kii xabashidu ina soo weerartay masaaridu waxay inoo keentay hub iyo dhaqaale,sidoo kale dagaalkii 1977kii waxay kujirtay ama ugu horaysay dawladihii yaraa ee ina taageeray markii reer beriga iyo reer galbedku u midoobeen inay inala dagaalamaan,
sidoo kale waxay inaga saacideen sidaan ugu biiri lahayn jaamacada carabta, sidoo inaguna markii masar laheshiisay yuhuuda somaliya waxay ahayd dawlada keliya ee aan xidhiidhka ujarin masaarida ee jamacada carabta katirsan,
MASAR MAXAY SOMALIYA UQABATAY DAGAALKII SOKEEYE
1991kii wadankeena waxaa kaqarxay dagaal sokeeye, masaaridu ciidankeedu ma iman somaliya laakiin waxay ka qayb qaadatay gurmadkii banii aadamtinimo,
masar waxay kamid ahayd wadamadii wadankeena soo gaadhsiiyey gurmadka,
masar waxay kamid ahayd wadamadii dadkeena siiyey waxbarashada, waxay masar ardayda somaliyeed ay siisay deeq waxbarasho waxayna kamid ahayd wadamadii ugu badnaa ee wadankeena deeq waxbarasho siiya burburkii kadib, sidoo kale waxaa xusid mudan in masar wakhtigaasi ay iyduba maraysay wakhtiyo adag, waxaana kadhacay gugii carabta iyo inqilaabkii siisi dawladii lasoo doortay uu xilka kaga tuuray, hadaba adigu xukun ma waxaad isku keenaysaa dawlad aynnu isku taariikh nahay, aanu dagaal weligeen ina dhexmarin, muslimiin aan wada nahay,cirqi aan wadaagno, waxaa lagu moransanyahay ma masaarida ayaa kasoo jeedaa somaliya mise somalida ayaa masar kasoo jeeda, halka aan xabashida weligeen cadaw ahayn intay taariikhi jirtay.
0 Comments