bunt ama dhulkii uduga waxaa loo yaqaanay dhulkeena somaliyeed, inkasta oo aan baadhitaan xoog leh la samaynin oo lagu daahfurayo dhulkeena taariikhdiisa laakiin waxaan halkan inigula wadaagi doonaa cadaymo badan oo muujinaya taariikhda ilbaxnimadii dhulkeena 5000 oo sano kahor dhalashadii NEBI CIISE (NNKH) yacni 7000 oo sano kahor wakhtigan aan imika joogno.
baadhitaano badan oo lagu sameeyey laasgeel ayaa muujinaya farshaxano ay ku sawireen dadkeenii hore iyaga oo iskaga reebaya taariikh ay ku muujinayaan horumarkii ay gaadheen si aynnu u ogaano ilbaxnimadii awawyadeen,si aynnu ugu faano in aynnu taariikh dheer lahayn, taariikhdaasi maynu baadhin oo caalamka umaynu soo bandhigin waxyar maahine, waxaana sabab u ahayd siyaasada aan daganayn ee wadankeena,maanta halkan waxaan kugula wadaagi doonaa waxyaalo badan oo aanad ka warqabin,
sawirkani waxa uu muujinayaa dad u xiiran sida ay somalidu uxiirato una labisan sida ay somalidu u labisato, waxa inooga tagay awawyadeen oo doonaya inay ina tusaan taariikhda aan leenahay,
sawirkani waxa uumuujinayaa midi ama toori kolba sida aad utaqaano oo ah hubkii ay awawyadeen caanka ku ahaayeen,waxaa la doonayaa in la inaga dhaadhiciyo inaan inagu nahay dadkii adoomada laga dhiganjiray inaga oo wax soo adoonsanay,
sawirkani hala yaabin oo ha is odhan waxani waa faraaciintii masar, hore usoco oo akhriso waxa aan kuu sheegayo,
kadib baadhitaan lagu sameeyey dhulkeena ayaa laga soo saaray maydka boqor sida faraaciintii masar oo kale ah, intaasi uun maaha hore usoco si aad waxbadan u ogaato oo kaa yaabiya laakiin xaqiiqo ah oo aynnu dayacnay,
1799kii askari faransiis ah oo ka tirsan ciidankii naabiliyoon ayaa helay dhagaxwayn kadibna waxa dhagaxa hoostiina lagu arkay far ku qoran kadib markii la turjumay qoraalkaasi ay qoreen faraaciintii masar ayaa inoo kashiftay ilbaxnimooyin badan oo caalamka ka baaba'ay oo aan waxbadan laga haynin, ilbaxnimooyinkaasi waxaa kamid ahayn bunt oo ah ilbaxnimo ay sameeyeen awawyadeen,waxaana la ogaaday in faraaciintu ay dhulka bunt uyaqaaneen dhulkii ay kasoo jeedeen ee awawyadood kunoolaayeen, waxay sidoo kale usoo doonan jireen waxyaalaha uduga iyo waxyaalaha la isku qurxiyo oo ay boqortooyadii bunt caan ku ahayd,taasi keliya maaha waxyaalaha lagu arkay laakiin waxaa la ogaaday inay masaaridii hore ay timaha ka dhiganjireen sidii awawyadeen, sawirkan hoose waxa uumuujinaya sawiro ay faraaciintu ku sawireen ahraamaadka masar,
sida aad ujeedo sawirkani iyo sawirkii hore ee aan ku tusay way isku eegyihiin, waxayna muujinayaan in masaaridii hore ama fariiciintii ay dhulkeena kasoo jeedeen, intaasi uun maaha waxyaalaha la ogaaday,
sida lagu arkay qoraalo iyo sawiro ay ka tageen faraaciintii masar boqoradii masaaridu waxay socdaal ku iman jireen dhulka bunt waxaana ugu caansanayd boqoradii xibshibsuut oo socdaal kutimiday dhulkeedii hooyo, aniga maahin ee iyaga ayaa taariikhdooda ku reebay,waxayna dhulkeena u yaqaaneen dhulkii ilaahyada, waxaa baraarujin mudan in faraaciintu aanay wada gaalo ahayn ee qaar badan oo muslimiin ahi ay kujireen, sida kii nebi yuusuf wakhtigiisi noolaa ee riyooday sida quraanka lagu sheegay iyo kuwo badan,mida kale erayga fircoon waa naanays ay lahaayeen dhamaan boqoradii soo maray masartii hore, waxyaalaha lagu ogaaday intaasi uun maaha,
waxaa la ogaaday in faraaciintii hore iyo boqortooyadii bunt ay caalamka ku duuleen oo ay samaysteen doomo waawayn oo kuwa dagaalka ah aynna guumaysteen caalamka oo dhan, sida ay qoreen qorayaashii giriigu waxay sheegeen in dadkaasi ay lahaayeen xadaarad aad u wayn oo ay caalamka ugu ilbaxsanaayeen,sidoo kale waxaa al ogaaday in ay ahaayeen dad isku maamula qaabka imika caalamka loo maamulo, waxay lahaayeen boqor iyo baarlamaan matala shacabka,
awawyadeen waxay ahaayeen dad ilbax ah oo ilaahay keligii caabuda taariikhda laguma hayo qof somali ah oo seef diinta islaamka lagu soo gaadhsiiyey keliya waa loo sharaxay iyaguna markay arkeen diintan toosan way qaateen waayo waxay ahaayeen dad ilaahay caabuda keligii,
somaliwayn waxaa looga baahanyahay inay taariikhdeedii soo ceshato oo ay caalamka maamusho, waxaa la doonayaa inaan dhulkeena taariikhdiisa aan baadhno,sidoo kale aan isku diyaarino inaan calamka hogaamaino sidii ay awawyadaeen usoo hogaamaiyeen.
0 Comments