12/15/1987kii waxaa la aasaasay xamaas oo ah halgamayaal doonaya inay xoreeyaan falastiin iyo qudus oo ah qibladeenii koowaad, xamaas waxaa aasaasay halgamaagii waynaa ee sheekh axmed yaasiin, dhamaan hogaamiyayaashii xamaas soo maray yuhuuda ayaa dishay iyaga oo xilka haya marka laga reebo khaalid mishcal oo ay ku sumeeyeen urdun laakiin way ku guuldaraysteen, 10/07/2023 waxay xamaas qaaday weerar caalamka oodhan wax kabadalay, waxaa hal sano gudaheed lagu dilay laba hogaamiye oo ah kuwii ugu saamaynta badnaa xamaas taaariikhdeeda, qormadan waxaan kugula wadaagi doonaa yaa dhaxli doona yaxye sinwaar, yexye sinwaar waxa uu kamid ahaa ragii aasaasay xamaas waana ninkii sameeyey sirdoonka xamaas ee moosaaad futada dhulka ugu jiiday, kadib dhimashadiisii xamaas weli ma dooran hogaamiye, waxaa jira rag badan oolagu wado inay xogaanka uqabtaan xamaas,
khaalid mishcal waa ninka ugu caansan xamaas imika, waana hogaamiyaha keliya ee aaanay yuhuudu dilin, 1996 ilaa 2017kii waxa uusoo ahaa hogaamiyaha xamaas, 1997kii ayey yuhuudu ku sumaysay caasimada urdun ee camaan laakiin way ku guuldaraysteen inay dilaan, dawlada urdun ayaa qabatay ragii sumeeyey kadibna waxaa yuhuuda lagu qasbay inay keenaan dawadii sunta iyo inay soo daayaan sheekh xasan yaasiin oo ahaa aasaasihii xamaas, wakhtigaasi nataniyaahu ayaa raysal wasaare ahaa, khaalid mishcal imika wuxuu hogaaminayaa qaybta siyaasada ee xamaas ama qaybta qasa dibadiisa joogta, imikana waxa uu ku noolyahay wadanka turkiga, kadib dhimashadii ismaaciil haniyah waxaa la doonayey inuu noqdo hogaamiyaha badalaaya laakiin yexye sinwaar ayaa badalay laakiin dhimashadii yexye sinwaar waxa uu noqday ninka ugu cad ee xamaas hogaamin doona,
khaliil xaya waa ninka imika xamaas ugu sareeya oo waxa uu ku xigay yexye sinwaar, khaliil xaya waa nin kamida jiilka dahabiga ee xamaas oo waxa uu kamid ahaa dadkii soo aasaasay xamaas, maadaama oo uu imika xamaas ugu sareeyo waxa la filayaa inuu isagu noqdo hogaamiyaha ugu sareeya xamaas,
maxamed dayf waa nin aad uqarsoon oo aan waxbadan laga aqoon, waa ninkii la qorsheeyey dagaalka yexye sinwaar, inta badan masoo muuqdo, waa nin qasa aan ka bixin inta badan, yuhuudu waxay sheegtay inay dishay laakiin xamaas ma qiranin in la dilay taasina waxay muujinaysaa inuu noolyahay, waxana lagu wadaa inay xamaas yuhuuda kaga naxsan doonto iyada oo u magacaaabi doonta hogaamiyaha guud ee xamaas,
maxamed sinwaar waa walaalka yar ee shahiidkii yexye, maxamed wax badan lagama yaqaan sida maxamed dayf waana ragii qorsheeyey dagaalka, waxaana lagu tilmaamaa gacantii midig ee yexye sinwaar, waa ninka maamula garabka hubaysan ee xamaas, maxamed sinwaar waxaa lagu wadaa inuu noqdo hogaamiyaha guud ee xamaas kadib markii walaalkiisii kawaynaa shahiiday, maxamed waa ninkii jeelka yexye kasoo daayey 2017kii, imika waa raga ugu saamaynta badan leh xamaas waxaana lagu wadaa inuu noqdo hogaamiyaha mujaahidiinta xamaas,
waxaa jira rag badan oo ay xamaas qarinayso, ragaasi isma soo muujiyaan waxay ushaqeeyaaan qaab qarsoon, xamaas waxaa lagu yaqaanaa inay rag aan hore loo aqoon caalamka kaga naxsadaan, sidaa darteed dad badan ayaa qaba in hogaamiyaha soo socda ee xamaas uunoqon doono nin aan hore loo aqoon, ragaasi badankoodu waxay joogaan qasa dhexdeeda, si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa inoo xaqiijin doona hogaamiyaha soo socda oo kusoo hagaagaya wakhti uu dagaalkii ugu xumaa kasocdo qasa oo ay yuhuudu xasuuqayaan dadka qasa.
0 Comments